Jaceyl waa heshay laakiin guur diyaar uma tihid haddii 9 calaamadood aad aragto

<< AI Guurdoon Service


Jaceyl waa heshay laakiin guur diyaar uma tihid haddii 9 calaamadood aad aragto
1. Waqti gaaban ayaad is taqaanaan

Muddo gaaban ayaad is taqanaan oo jaceyl xiiso leh ayaa dareemaysaa. Laakiin mararka qaar jaceylku isaga ayaa ku indho tira.

2. Dhaqaalaha diyaar maaha

Haddii dhaqaale ahaan aadan diyaar ahayn, qaasatan ragga guur diyaar uma tihid.

3. Cadaadis ayaa ku saaran

Sababta aad dooneyso in aad u guursato waa cadaadis kaa saaran qoyskaaga ama asxaabta oo wada guursaday.

4. Qofka in aad badasho ayaad rabtaa

Waxyaabaha qaar kuma qanacsanid qofka aad xiriir la leedahay oo waxaad rajo ka qabtaa in uu is badali doono guurka ka dib.

5. Isku fikir ma tihiin

Waxyaabo muhiim ah isku fikir kama tihiin. Sida caruurta, shaqada, halka aad ku noolaneysaan iwm.

6. Ma qanacsanid

Qalbigaagu 100% ma qanacsana oo wali dad kale ayaa damac kaaga jiraa.

7. Waxbaad qarinaysaa

Waxaa jira waxyaabo muhiim ah oo aadan wali la wadaagin qofka aad xiriirka la leedahay. Qofka aad guursanayso waa in aad 100% noloshaada la wadaagto.

8. Si fiican uma dagaashaan

Marka aad is dagaashaan mid ayaa iska tanaasula ee xalka dhabta ah ma raadisaan ee arinta aad isku qabateen.

9. Maba is dagaashaan

Lamaanaha aan is dagaalin waxaa la ogaaday in aysan ku wanaagsaneyn wadahadalka iyo isku furnaanta. Waxaa hubaal ah in la is dagaali doono markii la is guursado. Laakiin muhiimadu waa sida loo xaliyo. 

Share with friends



Whatsapp
Telegram

AI calafkaaga hakuu raadiso adiga oo jiifa