Add Isbarasho to your home screen
Get the full app experience
How to install as an app
Tap Share in Safari, then tap Add to Home Screen
Community Iska dhig culeyska welwalka

Iska dhig culeyska welwalka


Ka soo qaad waxaad gacanta ku haysaa koobkaan biyaha.

Haddii aad 1 daqiiqo gacanta ku hayso wax culeys ah ma leh.

Haddii aad gacanta ku hayso 1 saac xanuun ayaad gacanta ka dareemeysaa.

Haddii aad 1 maalin gacanta ku hayso gacanta cuuryaan ayaad ka noqoneysaa

Culeyska biyaha isma badalin laakiin haddii uu dheeraato waqtiga aad kor u hayso culeyskooda ayaa sii kordhaya.

Fikirka iyo welwelka noloshu waa sida koobkaa biyaha. Haddii aad waxyar ka fikirto wax dhibaato ah ma leh, haddii aad ka fikirto saacado xanuun ayaa dareemaysaa, laakiin haddii aad joogto uga fikirto noloshaada waxay noqonaysaa mid curyaan ah.

Ha u ogolaan in noloshaada ay curyaamiyaan welwelka iyo stresska nolosha.