9 talo oo laga faa'iday nin 90 sano jir ah

<< AI Guurdoon Service


9 talo oo laga faa'iday nin 90 sano jir ah

Xikmada dadka waaweyn waa casharka iyo talada ugu muhiimsan ee aad heli karto. Talooyinkaan waxaa laga faa'iday nin 90 sano jir ah. Ka faa'idayso adiguna.



1. Maalin walba hal asxaan oo qarsoodi ah samee.

2. Qof ku xumeeyay labo jaanis sii, laakiin mid sadexaad ha igu darin.

3. Waxaad ku raaxeysato in aad samayso ha u joojin rabitaanka dadka kale.

4. Waligaa xooga saar maanta, oo haka fikirin shalay, hana ka walwalin berito.

5. Shalaaygu waa xanuunka ugu adag ee aad dareemi karto. Haddii aad dooneyso in aad wax sameyso haka cabsan fashil.

6. Ha isku dayin in aad bedesho dabeecada dadka kale, ma suurto galeyso.

7. Haka cabsan murugada, jaceylka ayay deris la tahay.

8. Habeen walba qofka aad jeceshahay u sheeg in aad jeceshahay, waxaa la gaari doonaa xili aad dhinacaaga ka waydo cid aad ku dhahdo waa ku jeclahay.

9. Waligaa ha sugin in wax ay kaamil noqdaan, ee ku qanac intaa hesho ama haysato.

Share with friends



Whatsapp
Telegram

AI calafkaaga hakuu raadiso adiga oo jiifa