Add Isbarasho to your home screen
Get the full app experience
How to install as an app
Tap Share in Safari, then tap Add to Home Screen
Community 6 talo oo kor u qaadi kara xirfadaada shukaansiga

6 talo oo kor u qaadi kara xirfadaada shukaansiga


Dad badan ayaa u maleeya in shukaansigu uu yahay heybad lagu dhasho. Laakiin maahane waa xirfad la barto.  Halkaan waxaan kugu bareynaa 6 arimood oo kuu fududeyn karta shukaansiga.

1. Haasaawahaaga mala fahmayaa?


Cilmi baaris ayaa lagu ogaaday in dadka inta badan aysan fahmin marka qof isku dayayo in uu la haasaawo. Qaasatan dumarka ayaa dhib ku qaba in ay fahmaan in nin uu shukaansayo iyo in kale. Waayo ragga qaarkood ayaa si qarsoodi ah isu daya in ay gabdhaha ula haasaawaan, iyagoo ka cabsanaya in haddii ay si toos ah u cadeystaan shukaansiga in diidmo lagu dhajiyo.

Laakiin ogoow, in hore lagaa diido ayaa ka fiican in waqti lagaa lumiyo.

2. Nuucyada haasaawaha

Ujeedada shukaansigu waa labo, qof doonaya in uu iska haasaawo oo waqtiga isku dhaafiyo iyo qof doonaya in uu dhab u guursado. Haddii aad tahay kan dambe, waxaa haboon shukaansiga ku dhisan xushmada, qiimeynta iyo is-dhageysiga.

3. Halka arin ee ugu muhiimsan shukaansiga

Oo qaasatan ku socota ragga waa in aad noqoto dhageyste fiican. Dumarku marka la dhageysto waxay dareemayaan in aad tahay qof qiimeynaya isla markaana ay isku haleyn karto.

4. Sida lagu soo jiito qof kale

Haddii aad qof ku aragto meel oo aad dooneyso in aad la hadasho, dhoola-cadeyn yar iyo fiiro aan joogto ahayn isugu dar, ka dibna haddii ay kuu dhoola-cadeyso u tag oo su'aal waydii ka dibna sheekada sidaas ku biloow.

5. is fur fur

Marka aad joogto meelaha lagu haasaawo, ee aad dooneyso in aad soo jiidato qof kale, waa muhiim in aad ka fikirto fariinta uu jirkaagu dirayo. Gacmahaagu ha noqdaan kuwo furan, u istaag si toosan oo ha u muuqan qof cabsanaya oo aan kalsooni lahayn.

6. Marka ay sheekadu bilaabato

Ha noqon mid aamusane ah ama u muuqda in uusan qofka dhageysaneyn. Toos u fiiri qofka kuu sheekeynaya, waydii su'aalo oo madaxa u rux. U muuji in aad dooneyso in aad wax ka ogaato noloshiisa.