Sheeko: Korkaagu uma sina sida laamiga

<< AI Guurdoon Service


Sheeko: Korkaagu uma sina sida laamiga
Oday waayeel ah ayaa wiilyar oo ay qaraabo ay yihiin oo gacan moos ah sida waxa uu ku yiri "Wiilkeygii moos i sii". Wiilkii ayaa inta istaagay waxa uu u go'ooyay 3 xabo oo moos ah.

Odaygii ayaa inta mooskii fiiqay ku yiri wiilkii "Sidee u cunayaa kuwaan waa ceeriin, orod ii keen moos bisil."

Wiilkii yaraa oo la yaaban odayga diiday mooska caadiga ah ayaa inta baxay oo gurigii tagay ayuu soo qaaday 3 kale oo moos ah.

Wiilkii oo dhoolo-cadeynaya ayaa mooskii u dhiibay odayga. Waxa uu ugu jawaabay "Sidee u cunayaa kuwaan saa'id ayay u bislaadeen. Caloosha miyaa rabtaa in ay i xanuunto."

Wiilkii yaraa oo wareersan ayaa ku yiri odayga "Adeer sidee kuu sameeyaa, kuwii horena waa diiday, kuwii bislaana waa diiday."

Odaygii ayaa ku yiri "ii keen kuwii hore, ilaa bari ayaan meel dhigayaa."

Wiilkii yaraa markii uu soo laabtay isagoo wada mooskii ayaa odaygii ku yiri "waa iska dhaafay mooska, iskala laalabo."

Wiilkii yaraa oo ku dhow in uu xanaaq la qarxo ayaa odaygii oo dhoolo-cadeynaya waxa uu ku yiri "Wiilkeygii, casharada ugu muhiimsan nolosha sheegitaan laguma barto ee waayo-aragnimo ayaa lagu bartaa."

Waxa uu intaas ku daray "mooska aad ii keentay waxba ma qabin, laakiin waxaan rabay in aan cashar muhiim ah ku siiyo oo aan anigu waqti dambe bartay."

"Dadku waa sida aniga oo kale, ma wada qancin kartid, waxay ku dareensiinayaan in wax kasta oo aad samayso aada qiimo lahayn.

"Xasuuso in haddii aad isku daydo in aad qanciso dabeecadaha qalafsan ee dadka in ay adiga farxada kaa qaadayaan."

"Xitaa haddii aad dadka u seexato dhulka si ay kuugu kor socdaan, waxay ka cabanayaan in korkaagu uusan u sinayn sida laamiga."

Share with friends



Whatsapp
Telegram

AI calafkaaga hakuu raadiso adiga oo jiifa